1275 Views

Akhriso:-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Soo Saaray Go’aanno Cusub

Akhriso:-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Soo Saaray Go’aanno Cusub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 16, 2019–Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta soo saaray War-saxaafadeed ku Saabsan soo Saaridda iyo Dhoofinta Dhuxusha.

War saxaafadeedku waxa uu u qoraa sidan:-

Soo saaridda iyo dhoofinta dhuxushu waxay saamayn laxaad leh ku leedahay xaalufinta deegaanka, waxayna il wayn oo dhaqaale u tahay argagixisada.

Dhoofinta dhuxusha waa fal-dambiyeed lagu ciqaabi karo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, waxaana lagu mamnuucay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay S/RES/2036 (2012) ee ku saabsan mamnuucidda, dhoofinta iyo soo dejinta dhuxusha Soomaliyeed si dadban ama si toos ah xataa haddii aanay dhuxushaasi Soomaaliya toos uga imaanin.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu baaris ku hayay fal-danbiyeedkaa foosha xun, wuxuuna isagoo la kaashanaya INTERPOL ku dhawyahay in la soo qabto xubno ka ganacsada soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha.

Iyadoo taasi jirto ayaa haddana waxaa jira xog lagu kalsoon yahay oo sheegaysa inay dib u billaabatay soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha xeebaha Soomaaliya.

 

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu uga digayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa ama dibaaddiisa kuna lug leh dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah inay joojiyaan faldanbiyeedkaa waxayna wajahayaan ciqaabta ka dhalata fal-danbiyeedkaas sida ku xusan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

 

Si arrintaa wax looga qabto Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa la kaashanaya Booliska Soomaaliyeed guud ahaan iyo ka Dawlad-Goboleedka Jubaland gaar ahaan.

 

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu ka digayaa in doomaha iyo maraakiibta lagu raro dhuxusha in lala wareegayo iyadoo loo marayosida ay qabaan shuruucda dalka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment