546 Views

Dr Cabdiraxmaan Baadiyow “ khalad waye in Ahlu Sunna ay xoog ku qabsato Guriceel, ma ahan in Galmudug ay iyaduna dagaal xal u aragto.

Dr Cabdiraxmaan  Baadiyow  “ khalad waye  in Ahlu Sunna ay xoog ku qabsato Guriceel, ma ahan in Galmudug ay iyaduna dagaal xal u aragto.
____________________________________________________________________________

Sabti: October 9, 2021

Guddoomiyihii hore ee guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow  ayaa ka hadlay arinta Galmudug iyo dagaalka laga Cabsi qabo in uu halkaas ka dhasho.

 Baadiyow ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbali karin in Mar kale Ahlu Sunna ay xoog ku qabsato magaalada Guriceel, Xili maamul la isku raacsan yahay uu ka dhisan yahay Galmudug.

Waxa uu sheegay Dr Baadiyow  in dagaalka Galmudug uu ceeb ku yahay madaxda dowladda dhexe, gaaraan Farmaajo, Rooble iyo dhammaan waxgaradka maamulkaasi.

“Dagaalka waxaa ku ceebaysan RW. Roble iyo MW. Farmajo oo reer Galmudug ah, iyo dhammaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka Galmudug” ayuu qoraalkiisa ku yiri Dr Baadiyow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay khalad tahay in Ahlu Sunna ay xoog ku qabsato Guriceel, sidoo kalena laga haboon yahay in Galmudug ay iyaduna dagaal xal u aragto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post