822 Views

Madaxweynaha Tanzania oo Sanad kdib Xaqiijiyay in uu jiro Coved 19

Madaxweynaha Tanzania oo Sanad kdib Xaqiijiyay in uu jiro Coved 19
____________________________________________________________________________

February 21, 2021

Isaga goob kaniisad ah oo ku taala Daarasalaam kula hadlayay boqolaal dad ah ayuu u sheegay in ay dadka taxadaraan, dowladiisana aysan dadka marnaba ka hor istaagin in ay xirtaan gafuur-xidhka.

Waxase uu soo jeediyay in ay isticmaalaan gafuur-xidhka lagu sameeyay gudaha Tanzania, isaga oo ku dooday in kuwa dalka dibadiisa laga keenay aysan ahayn kuwa badqaba.

Waxa uu dhanka kale ku dhiirogaliyay dadka in ay sii wadaan dawo dhaqameedka, sida uumiga iyo qaaca la isku ulayo si looga hortago fayriska

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo hagaagay xilli ay cudurka u dhinteen shaqsiyaad caan ah oo ay ku jiraan dad madaxwenaha saaxiibadiisa u dhow ah.

Dhanka kale hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa dowladda Tanzania ku boorisay in ay kor usii qaaddo dedaalada looga hortagayo cudurka, islamarkaasna biloowdo talaalka cudurka.

War murtiyeed kasoo baxay xafiiska xoghayaha guud Tedros Adhonom ayaa lagu muujiyay walaac xoogan oo ku saabsan tirada dadka Tanzaniayaaka ee u talaabaya dalalka dariska ah , kuwaas oo uu hayo cudurka karoonaha, taas oo uu xoghayaha guud sheegay in loo baahanyahay in laga qaado talaabooyin degdeg ah.

Sanadkii hore, madaxweyne Magufuli ayaa ku baaqay in saddex maalmood oo duco qaran ah loo qabto dalka, maalmo kadibna wuxuuba shaaciyay in Karoonaha uu ka dhamaaday Tanzaniya.

Dadka mardhow dhintay waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii Zanzibar Macalin Seyf Shariix Xamad, kaas oo intii uu noolaa sheegay in uu Karoone ku dhacay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post