429 Views

Puntland oo shir ka yeelatay maleeshiyaad xirtay mid kamid ah Koontoroolada Gobolka Mudug

Puntland oo shir ka yeelatay maleeshiyaad xirtay mid kamid ah Koontoroolada Gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa shir-gudoomiyey Shirka Gudiga Amniga Gobolka Mudug oo lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo.

Shirkan waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo, Iskuduwaha Wasaarada Maaliyada, Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Gaalkacyo, Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Mudug iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii loo dar-dar galin lahaa Amniga Gobolka, Sidoo kalena la garab istaago Isimada, Nabadoonada iyo Senetoada,  kuwaas gacanta ku haya sidii loo qaadi lahaa isbaarada Maleeshiyo ay dhigteen Agagaarka Deegaanka Xarfo.

Ugu danbayn Gudoomiye Faysal oo soo xiray Kulanka ayaa ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiintii gobjooga ka ahaa inay swiadajr ah uga wada shaqeeyaan sugida Amniga Gobolka Mudug iyo xal ka gaarista maleeshiyaadka xirtay Koontoroolka Magaalada Xarfo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post