573 Views

Wadaad kirishtaan ah oo dhibaato wayn soo wajahday kadib markii uu dad u balan qaaday in uu yaqaano albaab janada geynaya

Wadaad kirishtaan ah oo dhibaato wayn soo wajahday kadib markii uu dad u balan qaaday in uu yaqaano albaab janada geynaya
____________________________________________________________________________

Khamiis:? May 5, 2022

Wadaad kirishtaan ah ayaa dhibaato wayn soo wajahday kadib markii uu dad u balan qaaday in uu yaqaano albaab janada geynaya oo ku yaala koonfur-galbeed Nigeria, uuna tusin doono qofkii lacag bixiya.

Baadari Ade Abraham ayaa waxaa ka dacweeyay saldhiga booliska mid kamid ah dadka taabacsan kaas oo sheegay in baadarigu uu ka qaatay lacag dhan $750 si uu u tuso goobta uu balan qaaday oo ku taalay magaalada Araromi-Ugbeshi ee gobolka Ekiti.

Baadarigu ayaa u xaqiijiyay BBC da in uu sameeyay balanqaadka ah albaabka janada isaga oo sheegay in ilaaha uu caabudu uu daaha ugu qaaday albaabkaas si uu u fiiriyo iimaanka dadka yimaada kaniisadiisa, laakiin wuxuu sheegay in uusan cidna lacag ka qaadin.

Ninkii dacweeyay baadariga ayaa dib ugu laabtay gurigiisa oo ku yaala gobolka Kaduna balse xaaskiisa ayaa ka dheeratay iyada oo sheegtay in ay ciqaab ku soo dagi doonto ninkeeda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post