117 Views

Dowladda Shiinaha oo taageertay DFS kana hortimid damaca Itoobiya ee Badda Cas

Dowladda Shiinaha oo taageertay DFS kana hortimid damaca Itoobiya ee Badda Cas
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Dowladda Shiinaha oo markii ugu horreysay ka hadashay damaca dowladda Itoobiya ee Badda Cas, ayaa waxa ay taageero u muujisay dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay ilaalinayso mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay.

Afhayeen Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Mao Ning oo warbaahinta la hadashay ayaa tiri, “Shiinuhu wuxuu u taagan yahay ilaalinta ujeedooyinka iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay wuxuuna ka taageeraa wadamada ilaalinta madax banaanida iyo midnimada dhuleed.”

Afhayeenka ayaa sii sheegay in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya, muhiimna ay tahay in la wada ilaaliyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.  “Shiinuhu waxa uu dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ka taageeraa ilaalinta midnimada qaranka, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed.”

Ugu dambeen afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ugu baaqday dalalka geeska in ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka ka taagan, “Dhanka kale, waxaan rajaynaynaa in dalalka gobolku ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka si ay wadahadal diblumaasiyadeed ku gaaraan horumar guud iyagoo yeelanaya iskaashi saaxiibtinimo.”

January 1, 2024-ka magaalada Addis ayaa is-afgarad beenaad waxaa ku gaaray Ra’iisull Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi, kaas oo ay qaraar ka soo saareen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post