993 Views

Howlgal Dad & hub fara badan lagu soo qabtay oo laga sameeyay Dhuusamareeb

Howlgal Dad & hub fara badan lagu soo qabtay oo laga sameeyay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________


Axad: May 1, 2022

Waxaa xalay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug howlgal ballaaran ka sameeyay ciidamo iskugu jira Nabad Sugid, Boolis iyo Kuwa ilaalada Galmudug, kaas oo ujeekiisa ahaa in lagu xaqiijiyo ammaanka guud ee Magaaladaas.

Ciidamada waxaa ay howlgalka ka fuliyeen duleedka iyo baraha kontorool ee Magaalada Dhuusamareeb, iyagoo baaritaan ku sameenayay guryaha iyo gawaarida qeybahooda kale duwan.

Intii ay howlgalka ciidamada ku guuda jireen waxaa ay kusoo qabteen hub sharci daro ah, qamri iyo rag cabayay, iyo kuwa kale, sida ay warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Dhuusamareeb Muumin Ciise Maxamuud.

Sidoo kale, Taliyaha howlgalinta qeybta booliska Gobolka Galgaduud Nuur Cilmi Maxamed ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sii xoojinta heeganka joogtada ah ee amaanka lagu sugo, isagoo tilmaamay in howlgalka ay kusoo qabteen dad lala xiriirinayo ku lug lahaanshaha falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay ee Magaalada Dhuusamareeb ay ka dhacayeen falal amni daro oo ay geysanayaan kooxo hubeysan, balse lama oga howlgalkaan waxa uu ka badali doono xaalada ammaan ee magaaladaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post