591 Views

Marwada 1aad ee dalka oo ugu Hambalyaysay Haweenka 8 Maarso

Marwada 1aad ee dalka oo ugu Hambalyaysay Haweenka 8 Maarso
____________________________________________________________________________

Talaado: March 8, 2022

 Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo maanta ka qeyb gashay Munaasabadda Xuska Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso, ayaa guud ahaan haween weynaha Soomaaliyeed u dirtay hambalyo, dhiirrigelin iyo bogaadin ku aaddan doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaataan halganka dowlad dhiska iyo samatabixinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Marwo Saynab oo khudbad ka jeedisay Munaasabadda ayaa ugu horrayn ugu baaqday guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, in loo gurmado shacabkeenna tabaalaysan ee ay abaaruhu saameeyeen, lala gaaro biyo iyo cunto degdeg. Sidoo kale, waxa ay xustay doorka muhiimka ah ee ay dumarka Soomaaliyeed ka qaateen xornimadoonkii, dhismihii dowladnimo iyo badbaadinta shacabkeenna xilliyadii dagaallada sokeeye.

“Waxaa hubaal ah in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin lafdhabarta bulshadeenna. Waxa ay door lama illaawaan ah ka soo qaateen xornimo doonkeennii. Xillii dagaallada sokeeye waxa ay noqdeen isha ay ku badbaadeen qoysaska Soomaaliyeed, iyaga oo si geesinnimo leh uga la soo dabbaashay duruufihii adkaa. Sidoo kale, waxa ay door lixaad leh ka qaateen, weli na ka ciyaarayaan dowlad dhiska dalkeenna iyo sidii uu qarankeennu dib cagihiisa isugu taagi lahaa.”

Marwada ayaa ka warbixisay dadaalladii Hay’adda Samafalka ee Saynab Macallin Foundation ay ka gaysatay wax ka qabashada baahiyaha kala duwan ee ay qabto bulshadeennu, si gaar ah baahiyaha caafimaad ee haysta haweenka iyo dhallaanka Soomaaliyeed, iyada oo tilmaantay in qaar ka mid ah gobollada dalka laga furay xarumo daryeel caafimaad u fidiya hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Marwada Koowaad oo ka warbixisay duruufaha adag ee ay la kulmaan haweenku, kuwaas oo ay ugu horreeyaan faquuqa jinsiga ah, kufsiga, gudniinka fircooniga ah iyo daryeel la’aanta caafimaad, ayaa ugu baaqday Gabdhaha Soomaaliyeed ee ku biiray labada gole ee Baarlamaanka, in ay qaataan door metelaad dhab ah, una qareemaan haweenka soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post