1119 Views

Saraakiisha Amniga Galmudug iyo kuwo dowladda dhexe oo xaqiijiyay in Qaraxii bacaadwayn la fashiliyay

Saraakiisha  Amniga Galmudug iyo kuwo dowladda dhexe oo xaqiijiyay in Qaraxii bacaadwayn  la fashiliyay
____________________________________________________________________________

Jimco: July 16 2021

Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug weerar ismiidaamin ah oo loo adeegaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa saaka aroortii ka dhacay kontrol ciidamada Xoogga iyo kuwa Galmudug ku leeyihiin degaankaasi.

Qaraxan ayaa geystay dhimashada 1 askari oo ka tirsanaa ciidankii halkaas ku sugnaa halka 7 kale ay ku dhaawacmeen

Wararka ayaa sheegaya in gaariga inta uusan soo gaarin xerada ciidanka uu qarxay

Saraakiisha  Amniga Galmudug iyo kuwo dowladda dhexe ayaa xaqiijiyay in Qaraxa la fashiliyay ka dib markii ciidanka Ammaanka ay toogteen ruuxii waday gaariga sidaasna uu ku yaraaday khasaaraha.

Xaalada ayaa la sheegayaa iney hadda degan tahay, iyadoo ciidankii ku dhaawacmay qaraxaas loo qaaday magaalada gaalkacyo si halkaas loogu soo daweeyo.

Ciidamada dowlada iyo kuwa Al-Shabaab ayaa dhowaan dhowr jeer kala qabsaday degmada Bacaadweyn ka dib dagaalo halkaas ku dhexmaray, waxaana haatan si buuxda degaankaas gacanta ugu haya ciidamada dowlada.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post