1833 Views

Booliiska magaalo Mexico ku taalla oo dhammaantood baaritaan lagu hayo

Booliiska magaalo Mexico ku taalla oo dhammaantood baaritaan lagu hayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 27, 2018—Booliiska ka shaqeeya magaalo xeebeedka loo tamashle tago ee Acapulco ee dalka Mexico ayaa dhammaantood baaritaan lagu hayaa iyadoo looga shakisan yahay in ay ku milmeen kooxo dambiile yaal ah.

Ciidammada badda ayaa isku gadaamay xarumihii booliiska waxayna hubka ka dhigeen 700 oo askari.

Booliiska faderaalka iyo milatariga ayaa hadda gaaf wareegaya magaalada.

Acapulco ayaa 1950yadii iyo 1960yadii noqotay magaalo caannimo iyo dhaqaale badni isku darsatay balse wixii intaas ka dambeeyay waxay xuddun u noqotay daroogo ka ganacsiga waxaana ku batay dilalka.

Ciidammada badda, booliiska gobolka iyo booliiska faderaalka ayaa fuliyay hawlgal wayn Talaadadii.

Intaas ka dibna xarummaha ayay galeen ka dibna boqolaal booliis ah ayay hubka ka dhigeen waxayna kala wareegeen qoryihiii, rasaastii, qalabka xabbadda difaaca iyo qalabkii ay ku xiriiri jireen.

Waxay sidoo kale xireen labo taliye oo booliis ah oo looga shakisan yahay dil. Taliyaha booliiska waddada wayn Acapulco ayaa isna la xiray ka dib markii lagu arkay isaga oo wata hub aan diiwaan gashanayn.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment