1017 Views

Farmaajo oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Farmaajo oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho|QOL|October 05, 2021—-Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Addis-ababa ayaa kulan doceed kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Kulanka ayaa waxaa ay iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uga mahad celiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida uu uga qeyb galay Xafladda Caleema saarka Xukuumaddiisa Cusub, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka taageeri doono dhonacyo dhowr ah.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa uu saaxiib gaar ah la lahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, isaga oo mark kusoo dhaweeyay Magaalada Muqdisho, isla markaana dhowr jeer ay ku kulmeen Magaalada Addis Asmara ee waddanka Ereteriya.

Xafiiska \Qaranimo Online|Muqdisho

_____________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post