1116 Views

Dowladda oo Gurmad deg-deg ah u diraysa deegaanka Bacaadweyne

Dowladda oo Gurmad deg-deg ah u diraysa deegaanka Bacaadweyne
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 03 2020–Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Siciid Xamse ayaa ka warbixiyey gurmad deg-deg ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gaarsiinayso Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, halkaas oo daadad ku fatahay ay sababeen xaalad binu aadantinimo oo adag.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha in ay deg-deg ugu howlgalaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta ku dhibaataysan Bacaadweyne oo hooy iyo hantiba ku beelay daadadka ku fatahay.
Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa ka tacsiyeeyey dadka ku nafwaayey fatahaaddan ka dhacday Bacaadweyne, isaga oo muujiyey sida Madaxweynaha, Raaiisul Wasaaraha iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay uga murugaysan yihiin dhibaatadan.
Wasiir Xamse Siciid ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg-deg ah ee loo fidinayo deegaannada ay fatahaaduhu ku dhufteen, iyada oo la xoojinayo wacyi gelinta ku aaddan halista fatahaadaha iyo daadaka ee la filanayo, maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii Guga.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment