2370 Views

Malaayiin Xujey ah oo maanta istaagay Banka Carafo

Malaayiin Xujey ah oo maanta istaagay Banka Carafo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 20, 2018 –  Soomaalida sanadkan xajineysa ayaa saakay ka soo ambabaxay degaanka Mina iyaga oo ku soo jiheystay degaanka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan Xajka.

Xujeyda ayaa saakay basas looga soo qaaday degaanada ay degan yihiin, waxaana ay isugu tagayaan dhulka barakaysan ee Sacuudiga si ay u soo gutaan waajibaatka Xajka ee sanadkan.

Ciidamo aad u fara badan ayaa la soo dhiibay wadooyinka waa weyn ee magaalada Maka Al-mukarama, waxaana gawaarida laga mamnuucay isticmaalka wadooyinka masaajida barakaysan ee Xaramka u jira 2-KM.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga Dr. Maxamed Saalax ayaa wuxuu sheegay inay laba laabeen dadaalka iyo u adeegista martida dhulka barakeysan, gaar ahaan xujeyda Soomaaliyeed.

Dadyowga Islaamka ayaa berri isu diyaarinaya inay u dabaal degaan maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa oo ka mid ah Ciidaha muslimiinta.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment