1797 Views

Dowlada Somaliya Oo ka qeyb gashay shir ku saabsan ganacsiga xorta ah

Dowlada Somaliya Oo ka qeyb gashay shir ku saabsan ganacsiga xorta ah
____________________________________________________________________________

Abuja | QOL | October 05, 2018 – hirka 12-aad ee Iskaashatooyinka iyo horumarinta Ganacsiga xorta ah ayaa ka socda magaalada Abuja ee Caasimada Nigeria, waxaana Soomaaliya ku matalay shirkan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr. GO)

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirada ay hoos yimaadaan iskaashatooyinka Afrika kuwaas oo ka socda 27 wadan oo ku bahoobay Iskaashatooyinka Afrika iyo 18 dal oo korjoogta ka ah, waxaana inta badan wadamada shirkaasi ka qeyb galayo ay yihiin kuwa ku jira Suuqa Xorta ah ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (COMESA).

Wasiiru Dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka ah ayaa sheegay in Soomaaliya ay shirkaasi la tagtay qorsheheeda ku aadan hormarinta iskaashatooyinka iyo ka qeyb qaadashada Ganacsiga xorta ah.

Wasiirka ayaa la kulmay qaar ka mid ah Wasiirada dhigiisa ah ee shirka ka qeyb galayay kuwaas oo ay isku afgarteen hirgalinta iskaashi dhanka Ganacsiga ah oo ay la yeeshaan Soomaaliya.

Bishii July ee sanadkan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre waxa uu magaalada Lusaska ee dalka Zambia ku saxiixay in Soomaaliya ay ku biirto suuqa xorta ee bariga iyo Bartamaha Afrika ee COMESA, waxaana la rumeysan yahay in Soomaaliya ay faa’iido weyn ugu jirto ku biiritaankaasi maadaama ay heli dooonto suuq ay geyso badeecadaha iyo wax soo saarka Soomaalida.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Abuja

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment