2121 Views

Ciidamo Boolis ah Oo La geeyay Magala Xeebeedka Marko

Ciidamo  Boolis ah Oo  La geeyay Magala Xeebeedka  Marko
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Ogoosto 29, 2018 –Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya iyo xubno ka socda wadamada taageera Soomaaliya ayaa shalay tagay magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xubnahan oo halkaasi u tagay qiimeyn ayaa kormeer ku soo sameeyay saldhiga Booliska magaalada Marko iyo xarumo kale oo maamulka uu ku shaqeeyo.

Sidoo kale magaalada Marko shalay waxaa la geeyay ciidamo Boolis oo hordhac ah ciidamo badan oo Booliska ka tirsan, kuwaasi oo xaqiijinaya ammaanka magaalada, islamarkaana ka shaqeynaya is dhexgalka bulshada.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Shabakada Qaranimo Online ayaa wuxuu sheegay in ciidamadan la geeyay Marko ay yihiin kuwa yar, wuxuuna dalbaday in la soo kordhiyo.

“Mar hadii Boolis ay yimaadeen waxan rajeyneynaa in magaalada xaaladeeda ay wax iska bedelaan, ciidan hordhac oo Boolis ah ayaa la keenay, waxaan fileynaa in la soo kordhiyo ciidankan, magaalada xaaladeeda waxa ay tahay mid degan oo shacabka ay dib ugu soo laabanayaan”. Ayuu yiri Guddoomiye C/fataax Xaaji.

Ciidamada Millatariga Soomaaliya oo bartamihii bishan la wareegay magaalada Marko ayaa hawlgallo ka dhan ah Al Shabaab waxa ay ka wadaan degaanada dhaca xeebaha sida Jillib-marka iyo Gendershe.

 

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment