954 Views

Lamaane xabsi ku muteystay dilka wiilkooda oo ay si kama ah isugu caddeeyeen

Lamaane xabsi ku muteystay dilka wiilkooda oo ay si kama ah isugu caddeeyeen
____________________________________________________________________________

 

Axad February 7, 2021

Lamaane u dhashay dalka Faransiiska ayaa loo xiray dilka wiil yar kaddib markii caddeymaha la xiriira dilkaasi iyo guud ahaan xogta dhacdadaasi ay si kama’ ah ay hooyadiis ula wadaagtay shaqaalaha adeegga gurmadka deg degga ah.

Wiilkaasi yar oo ay nin kale u dhashay ayaa waxaa bishii Nofeembar ee sanadkii 2016 dilay Loïc Vantal oo ah ninka ay u dhaxday hooyadii.

Loïc Vantal oo 28 jir ah ayaa lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah, arrintaa oo uu ku muteystay dilka wiilkaa yar oo lagu magacaabi jiray Tony oo xilligaasi saddex jir aha

Caroline Létoile oo 19 jir ahayd xilligaas isla markaana ahayd hooyada dhashay Tony ayaa wacday taleefoonka adeegyada gurmadka deg degga, si ay ugu wargeliso in wiilkeeda Tony uu miyir daboolmay.

Intii ay qadka ku jirtay, ayaa iyada oo aan ka warqabin in la duubayo wacitaankaasi waxay la hadashay seygeeda oo markaa la joogay, waxayna ku tiri: “Waxaan ku iri (shaqaalaha adeegga gurmadka) wuxuu ku dhacay jaranjarada.”

Létoile ayaa sidoo kale laga duubay iyada oo leh: “Jaranjarada ayaa ku fiican, sax? Jaranjarada dabaqa… Aniguna waxaan ka qarinayaa dhamaan wixii dhacay.”

Markii ay dhakhaatiirta caafimaadka yimaadeen guriga Létoile ee ku yaal magaalada Reims ee bariga dalkaasi Faransiiska, ayaa waxay arkeen maydka wiilkaasi yar oo jirkiisa ay ka muuqdaan nabarro badan.

Goor dambe oo habeenkii ah ayuu Tony ku dhintay isbitaalkii lagu dabiibayay.

Markii booliisku ay su’aalo weydiiyeen Vantal, wuxuu qirtay in uu isaga dhawr jeer nabarro ku dhuftay willkaasi yar oo uu garaacay, maadaama buu yiri hooyadii ay isbarteen saddex bilood uun ka hor.

Ugu dambeyn, Jimcihii dhawaa ayaa xukun lagu riday kaddib maxkamadeyn muddo toddobaad ah qaadatay oo ka dhacday magaalada Reims.

Intii ay maxkamaddu socotay ayaa garsooraha dacwaddaasi ka garnaqayay waxa uu hooyada wiilkaasi yar weydiiyay sababta ay boolisku ugu sheegi weyday ninkeeda Vantal oo dilayay cannugeeda. Waxay ku jawaabtay “waan baqay.” Waan doonayay inaan caawinaad weydiisto balse waa ay ii suurtageli weyday.”

Waxaa markii dambe lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah oo ay ku muteysatay “inay ku qarisay tacaddiga loo geystay wiilkeeda”.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post