720 Views

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban oo Maanta Baarlamaanka la horgeynayo

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban oo Maanta Baarlamaanka la horgeynayo
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 23 2020
—Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa la filayaa in kulan aan caadi aheyn ay ku yeeshaan xarunta KMG ah ee Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajandaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay Hadal Jeedinta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & u Codeynta kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Maxamed Xuseen Rooble.

Ka hor cod u qaadista kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ayaa waxaa la filayaa in Madaxweyen farmaajo uu kulanka ka jeediyo khudbad dheer, isaga oo sidoo kale Golaha Shacabka ka codsan doona inay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul Wasaaraha.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu kulamo kala duwan la qaadanayay xildhibaannada beelaha, isaga oo ka codsanayay inay codka kalsoonida siiyaan si uu u guto waajibaadkiisa Shaqo.

Hadii ay Maanta ansixiyaan Xildhibaannada Golaha Shacabka Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filayaa in uu si deg deg ah kusoo Magacaabo Golihiisa Wasiirada oo lagu sugayo fulinta heshiiskii doorashada ay gaareen Madaxweyne farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post