2991 Views

Faah faahin ka soo baxaysa qaraxii garoonka diyaaradaha ee Beledweyne

Faah faahin ka soo baxaysa qaraxii garoonka diyaaradaha ee Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho,7 March 2016: Warar dheeraad ah iyo faah faahin, ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay maanta barqadii garoonka diyaaradaha Beledweyn, kaasoo sababay dhaawacyada dhowr qof oo uu ku jiro askari ka tirsan Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee ka socda Wadanka Jibuuti

Qaraxan ayaa ka dhashay boorso ku dhex jirtay Laptop lagu qariyay waxyaabaha qarxa, waxaana ay qaraxday xilli lagu baarayay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Beledweyn, halkaasoo inta badan lagu baaro dadka iyo alaabaha ay wataan marka ay dhoofayaan garoonkaas.

Fah faahinta qaar ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay dhowr ruux oo lagu tuhunsan yahay inay qaraxa ku wateen boorso, waxaana hakad la geliyay duulimaadkii garoonka diyaaradaha Beledweyne.

Dadka ku dhaawacmay qaraxaas ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah saraakiisha shirkadaha duulimaadyada ka howl gala magaalada Beledweyn.

Waxaa gacanta lagu dhigay waxyaabo kale oo qarxa oo boorso ku jireen, inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin oo ay war heehaw ah.

Qaraxa kadib ayaa waxaa ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid lagu soo daadiyay xaafadaha magaalada Beledweyne oo idil.

Saraakiil ka tirsan qaybaha amniga Beledweyne ayaa sheegaya in qaraxa lagu soo qariyay Laptop lala raaci rabay diyaarad kuwa rakaabka ah oo Muqdisho ka timid.

Wax war ah oo intaas dheer kama soo bixin Taliska AMISOM iyo Maamulka Beledweyn, hase ahaatee waxaa aad loo adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha Beledweyn.

Garoonka diyaaradaha ee loogu magac daray Ugaas Khaliif ayaa ah garoon macmal ah oo Jaay ah, waxaana amnigiisa gacanta ku haya Ciidamada AMISOM oo kaliya.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment