2745 Views

RW Ku-Xigeenka XFS oo gudoomiyay shirka Guddiga Sugida Amniga Doorashooyinka

RW Ku-Xigeenka XFS oo gudoomiyay shirka Guddiga Sugida Amniga Doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 29, 2017 – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmaed Cumar Carteh ayaa gudoomiyay shir Guddiga Sugida Amniga Doorashooyinka ee Qaranka oo looga hadlayay qabashada doorashada Madaxweynaha. Waxaa ka soo qaybgalay Wasiirada Cadaaladda iyo Amniga, guddiga Baarlamaanka u qaabilsan doorashada Madaxweynaha, Taliyaayasha ciidanka qalabka sida, Ku-Xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, iyo Taliyaha ciidanka AMISOM.

Mudane Carteh ayaa Saraakiisha uga mahadceliyay sida ay uga soo shaqeeyeen sugida amniga doorashooyiinkii labada Aqal ee dalka ka dhacday, geesta kalena sheegay in la sii wado wada shaqeynta joogtada ah ee dhexmarta ciidamada Qaranka iyo AMISOM.

“Hawl muhiim u ah Soomaaliya ayaad qabateen dhamaantiin oo dalka u soo hoysay amaan; waxa loo baahanyahay in aad sii laba laabtaan wadashaqeynta idinka dhaxeysa si la isaga kaashado ka hortaga cadowga”.

Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa Saraakiisha kala hadlay sugida amniga Musharixiinta iyo goobta doorashada ay ka dhaceyso.

“Waxaa idinku waajiba feejignaan dheeri ah si aad u sugtaan amniga Musharixiinta iyo goobta doorashada lagu qabanayo taasoo aan idinku boorinayo in aad uga soo dhalaashaan si wanaagsan”.

Ra’iisul Wasare Ku-Xigeenka ayaa hadalkiisa ku soo gebagabeeyay baaq uu u diray shacbiga Soomaaliyeed oo uu kaga codsaday in ay ciidanka amniga la shaqeeyaan si doorashada Madaxweynaha ay ugu qabsoonto si nabad ah.

rw-xigeen-carte-1 rw-xigeen-carte-2 rw-xigeen-carte-3 rw-xigeen-carte-4 rw-xigeen-carte-5

.

.

_____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment