2142 Views

Madaxweynaha Kenya oo diiday in canshuur kordhinta dib loo dhigo

Madaxweynaha Kenya oo diiday in canshuur kordhinta dib loo dhigo
____________________________________________________________________________

Nairobi | QOL | September 14, 2018 – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa diiday in uu sixiixo qorshe ay soo jeediyeen baarlamaanka, kaas oo labo sano dib u dhigi lahaa in 16% canshuurta lagu kordhiyo shidaalka, arrintaas ayaana caro baaxad wayn dhalisay.

Madaxweynaha ayaa arrintan uga hadli doona khudbad uu jeedin doono galinka dambe ee maanta

Baarlamaanka ayaa hadda dib u eegi doona soo jeedintoodii hore, sida ku cad qoraal uu ku sixiixan yahay gudoomiyaha baarlamaanka Kenya Justin Muturi oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Canshuurta iibka ay ee shidaalka la dul dhigay ayaa la soo saaray bishan horraanteedii.

Waa qayb ka mid ah dadaalka ay dawladdu ku doonayso in ay sare ugu qaaddo dhaqaalaha ay ka hesho canshuuraha, si ay dhaqaalaha u kabto isla markaasna ay ugu suuragasho in ay dayn ka hesho hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment