651 Views

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Musharixiinta Madaxweynaha

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Musharixiinta Madaxweynaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 25, 2020 –Magaalada muqdisho waxaa weli ka socda shirka Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo ay kaga hadlayaan Arrimaha doorashooyinka dalka iyo Guddiyada doorashooyinka oo ay kasoo horjeesteen.

Ka qaybgalayaasha shirka ayaa sheegay inay kordhiyeen muddada shirka si ay usii ballaariyaan wadatashiga, waxaana Maanta uu galay maalintii Shanaad, hayeeshee la filayo in Maanta la soo geba-gabeeyo.

Maalmihii dhowaa ayaa waxaa shirka ku biirayey dhinacyo kala duwan sida odayaasha dhaqanka, culimada, ururada bulshada rayidka iyo hoggaanka labada Aqal ee baarlamaanka iyo Xubno kale.

Shalay Xubnaha musharixiinta waxaa ay shir qadka Internetka kula yeesheen Wakiillada beesha Caalamka oo fadhigoodo yahay Xalane, waxaana ay kala hadleen xaaladda Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka.

Warraka shirka laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta ay si adag uga doodayaan sida ay ka yeelayaan Guddiyada doorashooyinka hadii dowladda Soomaaliya ay bdel ku sameyn weeyso, iyada oo la filayo inay go’aano soo saaraan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post