4095 Views

Gaas iyo Guuleed oo ku kulmaya Gaalkacyo

Gaas iyo Guuleed oo ku kulmaya Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Gaalkacyo | November 11, 2016 – Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka maanta waxaa lagu wadaa in ay ku kulmaan Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmduug, si ay uga wada hadlaan Dagaalka Gaalkacyo.

kulankan ay wada yeelanayaan Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed cali Gaas iyo Madaxweynaha Maamulka Galmduug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa la filayaa in ay goob joog ka ahaadaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Jubbaland, Golaha Abwaanada iyo xubno kale.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka uu qeyb ka ahaan doono Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating.

Labada dhinac ayaa kulankooda waxaa inta badan diirada lagu saari doonaa sidii loo joojin lahaa Dagaalka Gaalkacyo oo ay ku dhinteen dad badan, sidoo kalena ay ku barakaceen.

.

.

.

____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment