627 Views

Al-Shabaab oo si kulul uga hadlay War kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh

Al-Shabaab oo si kulul uga hadlay War kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh
____________________________________________________________________________

Al-Shabaab ayaa si adag u beenisay war kasoo baxay madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ahaa, in Ururka Al-Shabaab ay maalgeliyaan kooxaha ka dagaalama Mozambique & Nigeria.

Bayaan kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in hadalka madaxweynaha uu yahay “sharaf dhac” waxayna ku eedeeyeen madaxweynuhu inuu fulinayo siyaasad gumeysi oo looga faa’idaysanayo Kheyraadka Soomaaliya.

“Siyaasad ku dhisan khiyaano iyo faafinta ula kac ah ee been abuurka ah kama caawin doonto Xasan Sheekh inuu sii hayo kursiga muddo dheer,”ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu hayo cadeymo muujinaya in lacagaha ay soo aruuriyaan Al-Shabaab lagu maalgeliyo Kooxaha Booka xaraam iyo Daacish ee ka dagaalama dalalka Mozambique iyo Nigeria.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale sheegay in dhaqaalaha Al-Shabaab loo adeegsado in lagu fuliyo qorshayaasha Alqaacida ay la leedahay Soomaaliya iyo dalal kale.

Maalmo ka hor madaxweynaha waxa uu sheegay inay Alshabaab leeyihiin awood aan looga adkaan karin dagaal kaliya, isaga oo sheegay in xilligaan uusan la galeyn wax wada xaajood ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post