1008 Views

Madaxweynayasha Jubbland iyo Puntland oo lagu wado in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Madaxweynayasha Jubbland iyo Puntland oo lagu wado in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Waxaa garoonka Muqdisho ka socda Qaban qaabo ku aadan soo dhawaynta Madaxweynayaasha  dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe)  iyo Puntland siciid Deni oo lagu wado in ay saacadaha soo socda soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Madaxda labadan maamul ayaa Xalane uga Qeyb gali doona shirka Go’aanka looga gaarayo Doorashada, waxaana goobta shirka iyo Madaxda labada maamul amaankooda sugayo  ciidamo  Amisom.

Waaxaa lagu wadaa in ay soo gaaraan Muqdisho saacadaha soo socda Ciidamo si gaar ah u ilaalin Doona labadaasi Mas’uul oo ka kala imaan Doonaan Kismaayo iyo Garowe.

Sidoo kale  Axmed Madoobe iyo Deni  ayaa Muqdisho u imaanaya inay ka  qeyb galaan  shirka DF iyo dowlad goboleedyada ee looga hadlayo arimaha doorashada.

Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa horey u dalbaday in shirka looga hadlayo arimaha doorashada lagu qabto gudaha garoonka Aadan Cadde sidoo kale la dejiyo meel amaankeeda la isku haleyn karo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post