954 Views

Wasiir Cawad oo ka qeyb-galay Shir ka dhacay Kenya

Wasiir Cawad oo ka qeyb-galay Shir ka dhacay Kenya
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 10 , 2019 | QOL |   –Shirka Wadamada Africa, Kareebiyaanka iyo Baasifiga ee ka socday dalka Kenya ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Nairobi, kaasi oo uu Soomaaliya shirkaasi ku matalayay Wasiirka arrimha Dibadda Soomaaliya.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad  ayaa sheegay in shirka looga hadlay arrimo badan oo quseeya madaxda dalalka ka qeyb galay, isla markaana la soo jeediyay in Gobol ka mid ah shanta Gobol ee Qaaradda Afrika laga saaro ururka.

 

 

 

“Shirku waxa uu isku raacay in Ururka loo bixiyo magic cusub, halkii laga dhigi jiray IMACP hadda waxa uu noqonayaa OACP oo ah Ururka Dalalka Afrika, Kareebiyaanka iyo dalalka Baasifiga , waxaa kaloo Madaxda Ururka ay soo jeediyeen in Afrika laga dhigo afar gobol, halkii awal la isku qaadi jiray, taasi oo meesha ka saaraysa gobol ka mid ah gobolada shanta ah ee Afrika, afarta gobo lee la isku raacay waxa weeye, Koonfur Afrika, Bariga Afrika, Galbeedka Afrika iyo Bariga Afrika, waxaana meesha laga saaray Gobolka Waqooyiga Afrika, inkasta oo aan go’aan rasmi ah laga soo saarin soo jeedintan”. Ayuu yiri Wasiir Cawad.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment