1119 Views

Midowga Yurub oo Afrika kala shaqeyneysa dhismaha xarumo soo saara tallaalka Covid 19

Midowga Yurub oo Afrika   kala shaqeyneysa dhismaha xarumo soo saara tallaalka Covid 19
____________________________________________________________________________

Isniin June 21 2021

Madaxa Ururka Ganacsiga Adduunka ayaa sheegtay in qaaradda Afrika ay Midowga Yurub kala shaqeyneyso dhismaha xarumo soo saara tallaalka.

Ngozi Okonjo-Iweala ayaa sheegtay in xarumahan laga hirgelin doono dalalka Koofur Afrika, Senegal iyo Rwanda.

Waxay sheegtay in soo saaridda tallaalka aan loo sinneyn, taasna aysan wax ka tari karin xilliyada ay jiraan xasaradaha caafimaadka.

Afrika ayaa wajaheysa yaraanta tallaalka coronavirus. Qaramada Midoobay ayaa ku boorrisay dalalka awooda inay tallaalka ku caawiyaan qaaradda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post