1401 Views

Saldhig militeri oo ay ku sugnaayeen ciidamo Amerikaan ah oo Gantaalo lagu garaacay Dalka Ciraaq.

Saldhig militeri oo ay ku sugnaayeen ciidamo Amerikaan ah  oo Gantaalo lagu garaacay Dalka Ciraaq.
____________________________________________________________________________

.

3-da Marso, 2021

Ugu yaraan 10 gantaal ayaa lala beegsaday saldhig militeri oo ay ku sugnaayeen ciidamo Amerikaan ah , ciidamo qeyb ka ah howgalka uu hogaaminayo Mareykanka iyo kuwa Ciraaq.

Ilo wareedyo ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in qof rayid ah oo la shaqeynayay ciidamada uu dhintay markii uu wadnaha istaagay xilliggii weerarka lagu qaaday saldhigga Ceyn Al Asad ee Ciraaq.

Waa weerarkii afaraad ee lagu qaado saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamada qeybta ka ah howlgalka uu horkacayo Mareykanka ee ku sugan Ciraaq wax ka yar toddobaad ah.

Waxay ku eedeeyeen in weeraradaas ay ka dambeeyeen kooxo taageero ka hela Iiraan.

Toddobaadkii lasoo dhaafay Mareykanka wuxuu duqeyn ka fuliyay gudaha gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ay taageerto Iiraan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post