594 Views

Mid ka mid ah guddigii qoray farta Soomaaliga oo geeriyoday

Mid ka mid ah guddigii qoray farta Soomaaliga oo geeriyoday
____________________________________________________________________________

Sabti: May 7, 2022

Allah ha u naxariistee Waxaa Magaalada Melbourne ee dalka Australia xalay ku geeriyooday  Cabdi Daahir Afey oo kamid ahaa gudidii qoray farta Somaliga sannadkii 1972-kii

Marxuum Cabdi Daahir Afey ayaa ku dhashay Magaalada shilaabo ee Dowlad Degaanka Soomaalidda, sanadkii 1937-kii sida uu sheegay mid kamid ah ehelkiisa oo La hadlay Warbaahinta,

Axmad naasir khaliif xasan oo kamid ah ehelka marxuum Cabdi Daahir Afey ayaa sidoo kale sheegay in uu marxuumku uu geriyooday haatan isagoo jirro 85 jir.

Axmad ayaa sidoo kale sheegay in marxuumku uu dalka meelna uga bixin 1960-kii markii xurnimadda la qaatay  ilaa 1991-kii isagoona sheegay in uu soo qabtay ama kasoo shaqeeyay howllo badan,
markii ay dalka ay ka bilaawdeen dagaaladii sokeeyo ayuu marxuumku uguuray dalka Australia. 

marxuumka ayaa ah shakhsigga kaliya ee ka haray Gudigii qoray afka soomaligga sida uu shegay Axmad naasir khaliif xasan oo kamid ah ehelka marxuum Cabdi Daahir Afey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post