396 Views

R/W Rooble oo la kulmay Guddoonka Guddiga FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee Labada Aqal

R/W Rooble oo la kulmay Guddoonka Guddiga FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee Labada Aqal
____________________________________________________________________________

Axad: April 10, 2022

Ra’iisul Waaaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu kala hadlay qabanqaabada iyo u diraar garowga dhaarinta Xildhibaannada ee qorsheysan 14-ka bishan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa warbixin ka dhageystay xubnihii uu la kulmay oo ku saabsan hanaanka ay u socdaan bixinta shahaadooyinka iyo kaararka aqoonsiga ee Xildhibaannada, waxaana uu kula dardaarmay inay dardargeliyaan howsha hortaala, ayna u diyaar garoobaan xafladda dhaarinta Xildhibaannada.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post