642 Views

Waa kuwee magaalooyinka aduunka ee aan “Habeeyn kii laga seexan”

Waa kuwee magaalooyinka aduunka ee aan “Habeeyn kii laga seexan”
____________________________________________________________________________

khamiis: November 11, 2021

Badanaa caasimadaha iyo magaalooyinka marka habeenkii la gaaro waa firaaqo, sababtoo ah dadka badankooda ayaa hurda, dhaq dhaqaaqa badankiisna waa uu istaaga.

Balse waxaa jiro magaalooyin laga soo tooso xilligii la seexan lahaa ama aysan dadkeedu seexanin oo habeenka u yahay sida maalinka.

Waxa la sheegayaa in hormarka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada kale ay magaalooyiinkaas ka dhiga kuwo laga soo jeedo habeenkii oo dadkeeda ay shaqeeyaan.

Walaaca ayaa ah in hadii magaalada laga soo jeedo habeenkii oo dhan uu faraha ka baxayo buuqa Traffic iyo isticmaalka daroogada.

Waa kuwan qaar ka mid ah magaalooyiinkaas ee laga soo jeedo habeenkii oo dhan, sida laga soo xigtay diiwaanka dhawaan la soo saaray oo lagu daraaseeyey magaalooyinka caalamka ee 24 ka saac laga soo jeedo oo magaalada London ka gashay kaalinta 17-aad halka Paris ay ka gashay kaalinta 18-aad.

New York City, New York

Magaalada New York oo loo yaqaano magaalada aan laga seexanin habeenkii, gabi ahaanba lama xiro qadka tareenka dhulka hoostiisa mara, Maqaayado badan iyo Barar ka lagu caweeyo, waxay furanyihiin ilaa 5 aroornimo.

Doomaha lagu kala gudbo ayaa iyagana shaqeeya xilli kasta, dhibna ma ahan in xilli kasta New York laga helo cunto iyo mada daalo.

Waxaa jira goobo aysan wax qarash ah kaaga bexeynin oo ay ka mid tahay Times Square oo astaan u ah magaalada, balse sidoo kale ay jecelyihiin dalxiisayaasha.

Buenos Aires, Argentina

eeyn kartaa.

Crobar waxaa ay ka mid tahay goobahaugu caansan ee lagu caweeyo oo shaqeeya xilliga habeenkii, balse haddii aad doonayso meel aamusan oo degan waxaad tagi kartaa El Viejo Almacen, oo ah goob taariiqi ah halkaas oo aad ka daawan karto ciyaaro.

Qaahira, Masar

Liiska Caasimadaha soo jeeda 24-ka saac ee guud ahaan Caalamka, Magaalada Qaahiro waxaay kaga jirtaa kaalmaha hore, sida caasimadda Montevideo, ee dalka Uruguay oo kale iyo Beirut, iyo lix magaalo oo Spain ku yaala.

Nolosha habeenkii iyo sawaxanka 24-ka saac ee Qaahiro waa wax iska caadi ah oo waa Magaalo ay ku noolyihiin in ka badan 20 milyan oo dad ah.

Qaar badan waxay cabaan kafeega oo asxaabtooda ayay waqti kula qaataan Maqaaxiyaha. Haddii aad doonayso in aad miyuusik dhageysato, waxaad aadi kartaa goobaha jaanka-ciyaarka iyo music ka socdo.

Tokyo, Japan

inta badan, magalaada Tokyo waa mid dad badan, waqti kasto ay tahay habeen ama Subax waad bilaaban kartaa noloshada, waxaa furan ganacsiyada magaalada.

Waxkasta oo aad go’aansato in aad sameyso waad ka heli kartaa nolosha habeen ee magaalada Tokyo, sidoo kale waad safri kartaa, waxbadan ayaadna arkaysaa haddii aad soo jeedo habeenkii.

Beirut, Lebanon

Suuqyada Beirut oo ay qayb ka yihiin goobaha laga dukaameysto iyo faras magaalaha, waxay ka midyihiin meelaha ku caansan saama laylka.

Hadii aad doonayso dalxiis kaliya, booqo goobaha lagu qabto munaasabadaha dabaal degyada, halkaas oo mar walba ay ka socdaan munaasabado kala duwan. Xillikasta oo ay ahaato.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post