1044 Views

Akhriso:- Sida ay u dhacday Maxkamadeynta rag loo heysto dilka Guddoomiyihii degmada Hodan

Akhriso:- Sida ay u dhacday Maxkamadeynta rag loo heysto dilka Guddoomiyihii degmada Hodan
____________________________________________________________________________

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa Maanta ay bilaawday dhageysiga kiiska dilka ahaa ee horaantii Bishii Janaayo ee sanankan 2021 Magaalada Muqdisho loogu geystay Guddoomiyihii Maamulka degmada Hodan Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise DhagaJuun.

Maxkamadda ayaa waxaa la horkeenay 7 eedeysane oo kala ah Taliyaashii Boliska Waabari iyo Howlwadaag ee Shuceyb Cabdi & C/qaadir Mooshin iyo askar, waxaana sidoo kale Maxkamadda la horkeenay markhaatiyal goobjoog ka ahaa sida uu u dhacay dilka.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Cabdullaahi Buulo Kameey ayaa Maxkamadda ka horjeediyay cadeymaha loo haayo eedeysanayaasha ku lugta lahaa dilkii Guddoomiyihii Maamulka degmada Hodan.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Hodan Bashiir Cabdi Siyaad oo kamid ahaa Marqaatiyaasha kiiskii dilka  AUN Dhagajuun ayaa Maxkamada ciidamada qalabka sida ka hor qiray waxa uu ogyahay dilkaas oo ay ka dambeeyeen Ciidamo ka tirsan Dowladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo fadhiga Maxkamadda Maanta soo xiray ayaa sheegay in dib la isugu soo laaban doono Maxkamadda.

21-kii Bishii Janaayo ee sanadkan ayaa Guddoomiyihii degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir dixakiim Cabdiraxmaan Ciise DhagaJuun waxaa lagu dilay Isgoyska loo yaqaan Jid Mareexaan kadib markii Gaariga uu saarnaa ay rasaaseeyeern Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post