93 Views

Wararkii ugu dambeeyay hoobiyeyaal lagu garaacay Bakaaraha + Khasaaraha

Wararkii ugu dambeeyay hoobiyeyaal lagu garaacay Bakaaraha + Khasaaraha
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya jug xoogan oo goordhow laga maqlay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Wararka ayaa sheegaya in tiro hoobiyeyaal ah oo gaaraya illaa 4 ay ku dhaceen gudaha suuqa gaar ahaan nawaaxiga Masjidka Abuu Hureyra, kuwaas oo dhaliyay khasaare u badan dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan loo adeegsaday hoobiyeyaasha ku dhintay ku dhowaad 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Dhaawacyada ayaa si deg-deg ah loola cararay qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, halkaas oo haatan lagu dabiibayo.

Sidoo kale waxaa muddo kooban hakad uu ku yimid dhaq-dhaqaaqii suuqa, waxaana saameyn ku yeeshay weerarka lagu qaaday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana suuqa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay goobaha ay ku dhaceen hoobiyeyaasha.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli muddooyinkii u dambeeyay dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay amniga suuqan oo ay gaysat ciidamo dheeraad ah.

Horay sidan oo kale waxaa weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal lagu qaaday agagaarka madaxtooyada, xarunta baarlamaanka iyo garoonka diyaaradhaa ee Aadan Cadde.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post