969 Views

Dibadbaxyo looga soo horjeedo faragelinta shisheeyaha ay ku hayaan Itoobiya oo ka dhacay Dowlad Deegaanka

Dibadbaxyo looga soo horjeedo faragelinta shisheeyaha  ay ku hayaan Itoobiya oo  ka dhacay  Dowlad Deegaanka
____________________________________________________________________________

\May 31 2021

Dibadbaxyo looga soo horjeedo waxa lagu tilmaamay faragelinta dalalka shisheeye ay ku hayaan Itoobiya ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Tiro shacab ah ayaa banaanbaxyo ka dhigay waddooyinka magaalooyinka Godey, Qabri-dahar, iyo Dhagax-buur, sida uu ku warramay teleefishinka maamulka.

Shaley ayay aheyd markii Kumannaan dibadbaxayaal ah ay isugu soo baxeen waddooyinka caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Bannaanbaxyadaas ayaa looga soo horjeeday sida ay sheegeen dowladaha shisheeye ee farogelinta ku haya arrimaha gudaha Itoobiya iyo horumarka dalkaas.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale sitay boorar lagu taageerayo biyox-reenka lagu muransan yahay ee ay Itoobiya ka dhiseyso Webiga Nile.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post