1521 Views

Guddoomiye Mursal iyo Ra’isalwasaare Kheyre oo kulmay

Guddoomiye Mursal iyo Ra’isalwasaare Kheyre oo kulmay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 18, 2018 –Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan xalay ku dhexmaray Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo Ra’isalwasaaraha Xukuumadda SOomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulanka labada mas’uul ayaa ka dhacay dhismaha Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare oo ku taalla ka soo horjeedka Daarta Soobbe ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanno ka mid ah Golaha shacabka ayaa sheegay in kulanka labada mas’uul uu yimid kaddib wadahadal hoose oo maalmahan ay wadeen xubno ka mid ah Golaha shacabka.

Xildhibaannada ayaa kulanka hore ku kulansiiyay Guddoomiye Mursal iyo labadiisa ku xigeen,waxaana ku xigay kulanka Ra’isalwasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Sidoo kale waxa socda qorshe lagu kulansiinayo Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo madaxweynaha SOomaaliya oo la doonayo in lagu soo afjaro khilaafka ka dhashay mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha.

Ra’isalwasaare Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook ku yiri “Waxa aan caawa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo aan ka wada hadalnay xoojinta wada shaqeynta xukuumadda iyo Golaha Shacabka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment