495 Views

QM oo dalbatay Lacago dheeri ah oo Soomaaliya lagu taageero

QM oo dalbatay Lacago dheeri ah oo Soomaaliya lagu taageero
____________________________________________________________________________

 


Sabti: March 12, 2022

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay Jimcihii inay u baahan tahay 157.5 milyan oo Doollarka Mareykanka ah si loo gaarsiiyo gargaar iyo ilaalin muhiim ah ilaa 2.9 milyan oo Soomaali ah oo barakacayaal ah sanadka 2022-ka.

Lacagtan ayaa lagu caawin doonaa dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya, 40,000 oo qaxooti ah, ilaa 31,000 oo qaxooti iyo magangalyo doon ah, iyo ilaa 15,000 oo qaxooti cusub ah oo ka imaanaya Itoobiya iyo wadamo kale, ayay tiri hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR.

Si kastaba ha ahaatee, kaliya 5 boqolkiiba lacagtaas ayaa la helay illaa iyo 1-dii Maarso, UNHCR ayaa sheegtay, iyadoo xustay in haweenka iyo gabdhaha, oo ka kooban kala bar dadka barokacay, ay ku jiraan khatar sare.

UNHCR ayaa sheegtay in ay sare u qaadayso gargaarka ay u fidiso kumanaanka qof ee ka soo barakacay abaarta daran ee ka jirta Soomaaliya ka dib saddex xilli oo roobaad oo xiriir ah oo aan roobka di’in kuwaas oo xaalufiyay dalagyadii iyo xoolihii.

Waxay sheegtay in hababkii ay dadku noloshada ula qabsan lahaayeen ay meesha ka baxeen, taasoo ku khasabtay kumannaan qof inay ka cararaan guryahoodii iyagoo raadinaya gargaar bani’aadamnimo, oo ay ku jiraan cunto, hoy, iyo biyo nadiif ah oo la cabbo.

In ka badan 17,000 oo qof oo ku nool gobolka Bay ee koonfurta Soomaaliya ayaa ku barakacay abaarta todobaadkii ugu horreysay ee Maarso oo keliya, kuwaasoo ku biiray tobanaan kun oo qof oo sidan oo kale ugu barakacay guud ahaan dalka intii u dhexeysay bilihii Janaayo iyo Febraayo, ayay tiri UNHCR.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post