864 Views

Shirkadda Diyaaradaha Kenya oo joojisay duulimaadkii ay ku imaan jirtay Muqdisho

Shirkadda Diyaaradaha Kenya oo joojisay duulimaadkii ay ku imaan jirtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-06-2020-Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay in ay joojisay Duulimaadyadii ay ku Imaan jirtay Magaalada Muqdisho Sababo aan la shaacin ka dib war kasoo baxay maamulka Shirkadda.

Shirkada ayaa sheegtay in ay joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Magaalooyinka Luanda, Mogadishu, Khartoum iyo Maputo.

“Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa joojisay duullimaadyadii ay ku tagi lahayd sideed dal ee qaaradda ah” lagu yiri War kasoo baxay Shirkadda.

Waxaa ay sidoo kale sheegtay in ay soo sheegi doonto hadii ay mar kale dib ugu soo laabato Magaalooyinkaasi.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post