483 Views

Mareykanka oo sheegay in Ciidamo dheeraad ah uu u dirayo Bariga Yurub

Mareykanka oo sheegay in Ciidamo dheeraad ah uu  u dirayo  Bariga Yurub
____________________________________________________________________________


khamiis: February 3, 2022

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa oggolaaday in uu ciidamo dheeraad ah uu diro Bariga Yurub.

Labo ka mid aah saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay , in Mareykanka uu xoojinayo dalalka uu isbaheysiga la yahay eeka horjeeda waxa uu ku tilmaamay qatarta Ruushka uu ku doonayo in u ku faragaliyo Ukraine.

Mid la mid ah saraakiisha ayaa sheegay in qiyaastii 2000 askar Mareykan la geyn doono dalalka Poland iyo Jarmalka , qiyaastii 1000 askari ayaa haatan ku sugan dalka Jarmalka kuwaas oo laga yaabo in ay u jiheystaan dalka Romania .

Ruushka oo ciidamo gaaraya 100,000 oo askari soo dhoobay xuuuda Ukraine waxay sheegeen in ay qaadi karto tallaabo militari haddii dalabkeeda aan la tixgalin , kuwaasi oo ay ku mid tahay ballan ay NATO sameyso oo ah in aanay Xulafadheeda kuqaabileynin Ukraine .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post