1698 Views

Duqa Muqdisho oo Daah Furay Mashruuca Dhismaha Waddooyinka Xaafadaha

Duqa Muqdisho oo Daah Furay Mashruuca Dhismaha Waddooyinka Xaafadaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  31, 2019 – Guddomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisoow) ayaa maanta dhagax dhigay waddo casri ah oo loo dhisayo Bulshada Dagmada Xamar-jabjab.

Wadada lagu sameynayo dayactirka ayaa  ku taalla waaxda Gaheyr ee Degmada xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.

Munaasabadda dhagaxdhigga wadada waxaa hadallo ka jeediyay guddomiye ku xigeenka amniga ee Gobalka iyo xoghayaha guud ee maamulka Gobalka Banaadir, iyagoo xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dhismaha wadadaan bulshada ku nool Dagmada Xamar-jabjab.

Duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisoow) ayaa sheegay in tallabadani ay qeyb katahay qorshaha horumarinta maamulka Gobalka Banaadir uu ugu talagalay 17-ka Degmo, islamarkaana Xamar-jabjab ay maanta nasiib u yeelatay in lagu bilaabo barnaamijkaan dhismaha waddooyinka casriga ah.

Duqa magaalada ayaa ku boorriyay dadweynaha daggan hareeraha wadada la dhisayo in ay ilaashadaan kana shaqeeyaan nadaafadeeda.

 

 

.

.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment