492 Views

Qaramada Midoobay: Qaxootigi ugu badnaa oo dagaalki 2-aad kaddib Yurub ka qaxay

Qaramada Midoobay: Qaxootigi ugu badnaa oo dagaalki 2-aad kaddib Yurub ka qaxay
____________________________________________________________________________

Sabti: March 5, 2022

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay dadka ka qaxay dagaalka ka socda Ukraine iney tiradooda kor u dhaaftay 1.5 malyan.

“Qaxootiga tirada badan ee ka qaxaya dagaalka Ukraine waa qaxootigi ugu badnaa oo qarradda Yurub ka qaxa tani iyo marki uu dhammaaday dagaalkii labaad ee Adduunka” ayuu madaxa UNHCR oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters.

Tani iyo marka uu duullaanka Ukraine billaawday waxaa dalkaasi ka qaxay dad gaaraya 1.3 malyan.

Dalka Poland ayaa martigeliyey kala bar qaxootigaasi halka ay dalalaka Hungary iyo Romania ay gaareen tiro aan yareen.

Dagaalka uu Ruushka ku soo qaaday dalka Ukraine ayaa galay maalinti siddeedaad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post