666 Views

Kulan dhexmaray Qoorqoor iyo xubnaha beesha Caalamka

Kulan dhexmaray Qoorqoor iyo xubnaha beesha Caalamka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2021—Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta qadka internet ka shir kula yeeshay qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka.

Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka kala socday Midowga yurub, Mareykanka, Ingiriiska, Sweden iyo midowga Afrika.

Shirka ayaa diirradda lagu saaray xaaladihii u danbeeyay ee hanaanka doorashada dalka ee 2021.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay beesha Caalamka in Galmudug ay diyaar u tahay qabashada doorasho lagu wada qanacsan yahay.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post