1815 Views

Gudoomiyaha Guddiga Xuduudaha Madaxa banaan Oo Baaq u Diray Madaxda Dalka

Gudoomiyaha Guddiga Xuduudaha Madaxa banaan Oo Baaq u Diray Madaxda Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 26, 2018–Dowladda Kenya ayaa wadda qorshe ay dib ugu bilaabeysa dhismo ay marineyso Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo, waxaana wali taagan Xiisadaha ka dhashay damaca kenya.

Khaliif Cabdikariin Maxamed Gudoomiyaha Guddiga Xuduudaha ee Madaxa banaan oo la hadlay Qaranimo Online ayaa sheegay in ay Madaxda dalka gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha ay siiyeen talooyin ku aadan Darbiga kenya ay dhisaneyso.

Guddi uu kamid ahaa ayuu tibaaxay in ay labo jeer tageen Magaalada Baladxaawo, warbixin buuxdana ay siiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladii ka horeysay ee uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Khaliif ayaa tilmaamay in Madaxda Dalka laga doonayo in aysan ka indha-saaban Qeylo dhaanta kasoo yeereysa Dadka Magaaladaasi, habka ugu fududna ay u mari karaan uu yahay Xiriir ay la sameeyaan Madaxda Kenya.

Waa uu sii hadlay waxa uuna sheegay in doorka Mas’uuliyiinta Dowladda ay arrintaan wax ugu qaban lahaayeen la jooogo, sidaa awgeedna iyaga kaalintoodu aheyd xog ka keenista Macluumaadka iyo Xaqiiqooyinka halkaa ka jira sida uu hadalka u dhigay.

Kolkii ugu dambeysay oo ay guddigaan tageen Magaalada Baladxaawo waxa ay warbixin ka keeneen Dhismo xilligaas Dowladda kenya ka waday Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Darbiga Kenya ay ka dhiseyso Magaalada Baladxaawo ayay dadka deegaanka sheegeen in hadii ay u suurto gasho dhismihiisa in inta badan Magaaladaasi ay gudaha u gali doonto Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment