834 Views

Wax ka ogow noocyada sunta ay basaasiinta dadka ku dilaan

Wax ka ogow noocyada sunta ay basaasiinta dadka ku dilaan
____________________________________________________________________________

\Arbaco: June 30 2021

Bishii Agoosto ee sanadkii 2020, hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka, Alexei Navalny, ahna nin u ololeeya ka hortagga musuq-maasuqa ayaa la sumeyay, waxaana muddo uu ku jiray cisbitaal lagu daweynayay.

Baaritaannadii lagu sameeyay waxay muujinayeen in dhigiisa laga helay sun, waxay arrintaas horseeday cabsi ah inay jiraan walxo sun ah oo lagu bartilmaameedsado dadka.

Waxaa jiraa dowlado dadka kasoo horjeeda ku bartilmaameedsanayo sun.

Halkan waxaa idiin kuugu soo gudbineynaa shan kamid sunta halista ah ee sida hubka ah loo adeegsado.

Polonium 210

Basaasiintii u dhashay Ruushka waxay sanadkii 2006 magaalada London ku weerareen Alexander Litvinenko oo horey uga tirsanaa ciidamada sirddoonka Ruushka. Baarayaal kasoo jeeday Ingiriiska ayaa sheegay in basaasiinta Ruushka ay Litvinenko shaah ugu dareen suntan.

Polonium 210 ma ahan sun suuqa taallo oo lasoo iibsan karo, lamana ogaan karo haddii qofka lagu sumeeyay jirkiisa si deg deg ah looga baari waayo, waxay jirka qofka ku jiri kartaa 138 cisho.

Waxaana sunta soo saari karaa oo keliy ah dalalka awoodda u leh sameynta hubka nukliyeerka.

Sunta Polonium 210 waa mid qofka uu gacanta ku hayn karo waa haddii ay ku jirto qalab si wanaagsan loo soo xir xiray.

Haddii qofka uu ursado ama uu liqo waxay burburin kartaa unugyada dhiigga, waxay ka hortaggi kartaa in unugyada jirka ay koraan.

Suntan ayaa dadka ku disha maalmo ama todobaadyo gudahood.

Ricin

Waa mid kamid ah sunta ugu halista badan adduunka. Qeyb yar oo kamid ah sunta haddii qofka lagu duro ama uu ursado ama uu liqo waxay meesha ka saareysaa maaddada Protein-ka ee uu ku shaqeeyo jirka banii’aadanka.

Waxaa laga soo saaraa suntan geedka saliidda ee Castor Oil.

Mar haddii ay gasho jirka banii’aadanka waxay ka hortaggeysaa in jirka uu soo saaro Protein-ka, waxay horseedeysaa inay shaqeyn waayaan kelyaha, beerka iyo xubnaha kale ee u muhiimka ah jirka.

Ricin waxaa lagu ogaaday kiiskii la xiriiray dilkii qoraagii u dhashay Bulgaria ee dhaleeceyn jiray dowladda, Georgi Markov, waxaana la ogaaday in qof basaas u ahaa Bulgaria uu lugta ka toogtay xilli u adeegsanayay sunta sanadkii 1978 gudaha magaalada London. Markov ayaa sunta u geeriyooday saddex maalmood kadib.

VX

13-kii bishii February sanadkii 2017, labo haween ah ayaa sunta VX ku buufiyay Kim Jong Nam, oo ahaa nin la dhashay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, xilli uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Kuala Lumpur. Kim Jong Nam ayaa geeriyooday xilli loo waday cisbitaal.

Labada haween oo u kala dhashay Vietnam iyo Indonesia ayaa sheegay in aysan ogeyn in sunta ay waxyeello u geysaneyso neerfayaasha qofka iyo in kale. Baarayaasha waxay rumeysnaayeen in Kim Jong Un uu usoo amray dilka.

VX waa sunta ugu halista badan adduunka, 0.4 milligrams oo sunta ah ayaa dili kartaa qofka.

Chemist Ranajit Gosh ayaa ogaaday sunta sanadkii 1950’s xilli uu darasaad ku sameynayay sunta lagu buufiyo beeraha ee cayayaanka looga reebo.

Sunta waxaa la mamnuucay sanadkii 1997 xilligii la gaaray heshiiskii ka hortagga hubka kimikada. Kuuriyada Waqooyi ma aysan saxiixin heshiiskaas.

Botox

Waxaa sunta laga sameeyaa maaddada Clostridium Botulinum, waxaana inta badan loo adeegsan jiray is qurxinta.

Waxay saameysaa neerfayaasha iyo murqaha.

Wuxuu walaac ka taagnaa in sunta loo adeegsado weerar argagixiso.

Dowladdii Ciraaq ee uu hoggaaminayay Sadaam Xuseen ayaa waxaa u yaalla qorshe ah in sunta Botox ay noqoto hub loo adeegsado dagaalka.

BTX

Batrachotixin waa sun kale oo waxyeeleyn u geysata neerfayaasha.

Waxaana sunta laga keenay nooc kamid ah Raha ku nool koonfurta Amerika, 0.2 grams oo kamid ah sunta ayaa qofka dili karta.

Sunta waxaa soo saara Raha kaas oo la rumeysan yahay in uu cuno nooc kamid cayaayaanka.

Laakiin lama hayo taariikhda ku aadan dad lagu waxyeelleeyay suntan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post