633 Views

Jilaaga caanka ah Arnol Isshuwaasinegar oo shil baabuur ku galey magaalada Los Angeles ee gobolka California ee dalka Mareykanka

Jilaaga caanka ah  Arnol Isshuwaasinegar oo  shil baabuur ku galey magaalada Los Angeles ee gobolka California ee dalka Mareykanka
____________________________________________________________________________


Axad: January 23, 2022

  Jilaaga Arnol Isshuwaasinegar (Arnold Schwarzenegger) ayaa shil baabuur ku galey magaalada Los Angeles ee gobolka California ee dalka Mareykanka, sida uu xaqiijiyey afhayeenkiisa.

Haweeney ayaa ku dhaawacantey shilkan, oo ka dhashey afar gaari oo isku dhacey galabnimadii Jimcaha, sida booliiska magaaladani uu sheegay.

Sawiro laga soo qaadey goobta, ayaa muujinaya gaari weyn oo nooca SUV ah, oo dul saaran saddex gaari oo kale, kuwaasoo wada yaalla isgoys ku dhaw guriga jilaaga, oo ku yaalla xaafadda sare ee Brentwood.

Booliiska ayaa sheegay ineysan jirin cid loo soo qabqabtey, waxeyna meesha ka saareen iney ku lug lahaayeen waxyaabaha maanka dooriya iyo khamriba.

Afhayeenkii hore ee gobolka California, ayaa u xaqiijiyey wargeyska Los Angeles Times, inuu watey gaariga SUV-ga jilaaga, markii uu shilku dhacey, balse aysan waxba gaarin.

Sawirro laga soo qaadey goobta shilka kadib, ayaa muujinaya 74 sano jirkani, oo taagan wadada dhinaceeda, markaasoo uu la hadlayey darawalada kale iyo ciidamada booliiska.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post