1077 Views

Shacab ku dhintay qarax ka dhacay Goob ay ku sugnaayeen Ciidamo

Shacab ku dhintay qarax ka dhacay Goob ay ku sugnaayeen Ciidamo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 04, |  2020—Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay bar koontarool oo ku taal waqooyiga Suuriya, sida ay sheegeen ilo wareedyo ku sugan Dalka Colaaduhu Daashadeen ee  Syria.

Toddoba qof oo rayid ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa oo ka dhacay xaafadda Al-Bab laakiin sababta qaraxu wali ma cadda, ilo wareedyo ayaa sheegaya.

Bishii Febraayo 2017, ciidamada Turkiga iyo kuwa Qaranka Suuriya (SNA) ayaa Magaalada Al-Bab ka xoreeyay kooxda Daacish, kadib Howlgal Todoba Bilood socday oo Turkiga Qayb Ka ahaa.

Hawlgalkaasi socday toddobada bilood ayaa bilaabmay Agoosto 2016 si loo baabi’iyo joogitaanka Waxa  loogu yeero Argagixisada.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post