1098 Views

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland “Dib baan u qiimeyneynaa inaan ka Qeyb galko shirka Muqdisho..

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland “Dib baan u qiimeyneynaa inaan ka Qeyb galko shirka Muqdisho..
____________________________________________________________________________

 

 Feb: 20/2/2021

Ayadoo wali aysan caddayn goorta uu qabsoomayo shirkii arrimaha doorashada ee lagu waday inay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada oo madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay in Muqdisho uu ka furmo 18-kii bishaan Febraayo ayaa sidoo kale waxa aanan muuqan saasaanta diyaar garoow ku aaddan ka qayb-galka shirkaas.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa BBC-da u sheegay inay diyaar u yihiin ka qeybgalka shirka inkasta oo ay qalaalaase dalka ka dhaceen isla markaana ay qiimeynayaan xaaladda.

“Meel kasta oo lagu qabanayo Jubaland diyaar bey u aheyd, soo jeedinteedi ugu dambeysay waxay aheyd in Muqdisho lagu qabto maadama ay joogto beesha caalamka iyo saamileyda siyaasadda welina tii ayaan ku taaganahay”

“Shirka waan u diyraasaneyn in aan ka qeybgalno waa tii ay wax dhaceen magaalada xaaladdeedu waad la socotaan, dib baan u qiimeyneynaa laakin mar walbo waan ka qeybgaleynaa” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post