1359 Views

Sawiro:-Wasiirka waxbarshada Soomaaliya oo kormeeray qaar ka mid ah Dugsiyada Gobolka Banaadir

Sawiro:-Wasiirka waxbarshada Soomaaliya oo kormeeray qaar ka mid ah Dugsiyada Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 08,, 2019  –-Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo Tacliinta Sare  ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane ; Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa Maanta Kormeer ku tagay Dugsiga hoose/ dhexe iyo Sare ee Ileys Muqdisho.

 

Wasiirka waxbarashada ayaa Fasal-fasal u galay qeybaha uu ka koobanyahay Dugsiga hoose/dhexe sare ee Ileys, waxa uuna kulamo laqaatay madaxda iyo mas’uuliyiinta Iskuulka,  waxa ayna warbixin ka siiyeen Dugsiga iyo sida ay u socoto waxbarashada Ardayda.

 

Wasiirka waxbarashada Dalka , ayaa Ardayda wax ka weydiiyay aqoontooda iyo waxa ay rajeynayaan mustaqbalka, wuxuuna u sheegay muhiimadda ay leedahay in ay wax bartaan, isagoo ku dhiiri geliyay in ay ka Mira dhaliyaan aqoontooda.

 

“Waxaan maanta kormeer ku tagay iskuulka Hoose dhexe sare ee ileys oo kamid ah iskuulada ku yaala Gobalka Banaadir, Waxaan kula kumay arday loo diyaarshay in mustaqbalka dhow ay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed wax taraan.

 

Wasiir waxbarashada Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre, ayaa sheegay in markasta Wasaaradda waxbarashada ay muhiimadda Saareyso kor u qaadista aqoonta Ardayda Soomaaliyeed.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment