837 Views

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo gaaray magaallo xeebeedka Warsheekh

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo  gaaray magaallo xeebeedka Warsheekh
____________________________________________________________________________

Khamiis: july 22 2021

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh.dhexe ayaa sheegaya in goor dhawayd  halkaas ay gaareen Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud gaar ahaan magaalada  xeebeedka Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ay safar dhulka ah ku gaareen  halkaas, waxaana si diiran ugu soo dhaweeyay halkaas dadka deegaanka.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in madaxweynayaashii hore ee dalka ay usii gudbi doonaan dhinaca degmada Cadale oo uu haatan ku sugan yahay madaxweyne Cali Guudlaawe.

Sidoo kale Ujeedka safarkooda ayaa waxa uu la xiriira u kuur-galida xaaladaha ka jira deegaanka, iyaga sidoo kale kulamo la qaadan doono waxgradka ku dhaqan degmooyinkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post