765 Views

Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay Muqdisho

Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 28, 2020 –Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Al-Sayid Caadil Cabdirraxmaan Al- Cusuumi ayaa cambaareeyay weerarkii  Al-Shabaab ka gaysteen magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa adkeeyay in weerarada Al-Shabaab ay la beegsanayaan dadka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan aysan ka hor istaagi doonin Jamhuuriyadda Soomaaliya dadaalkeeda la xiriira sugidda Amniga iyo xasilooni uu dalku gaaro.

“Baarlamaanka Carabta wuxuu si buuxda u garab taagan yahay Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Shacbigeeda dagaalka ay kula jiraan argagixisada, waxaanan ka taageeri doonaa tallaabooyinka looga hortagayo ururada Argagixisada ah” sidaana waxaa yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Al-Sayid Caadil Cabdirraxmaan.

Ugu danbayn guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta wuxuu tacsi u diray dadkii ku geeriyooday falkaasi , wuxuuna sidoo kale caafimaad buuxa oo dag-dag u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post