849 Views

Dil Caawa magaalada Muqdisho loogu geestay ganacsade la dhashay xildhibaan ka tirsan baarlamanka Hirshabelle

Dil Caawa magaalada Muqdisho loogu geestay ganacsade la dhashay xildhibaan ka tirsan baarlamanka Hirshabelle
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 17, 2021


Wararka ka imaanaya caawa magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa fiidkii Kooxo bastoolado ku hubeysan ay  maqribkii ku dileen  Ganacsade agagaarka Garaashka Macallin Nuur oo ku yaalla degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Ganacsadahan  lagu magacaabi jiray Cali Cabduqaadir Muudey, waxaana la sheegay in uu isla goobta ku geeriyooday Marxuumka.

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka uu la dhashay  xildhibaan ka tirsan baarlamanka Hirshabelle oo la yiraahdo Xassan Cabduqaadir Muudey, lamana oga sababta loo dilay

Sidoo kale  dilka kadib ayaa Ciidamada amniga ay daba galeen ragga dilka geystay oo galay Guri ku yaalla xaafadda Macmacaanka oo markii dambe la hareereeyey, waxaana halkaasi ka dhacay is-rasaaseyn dhexmartay dableyda guriga gabaadka ka dhiganetsay iyo ciidamada aamaanka, iyadoo ciidamo badan halkaasi la geeyay. Si loo qabto kooxda Hubeysan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post