549 Views

Ciidamo Kenyan ah oo qarax lagula eegtay wajeer

Ciidamo Kenyan ah oo qarax lagula eegtay wajeer
____________________________________________________________________________

Talaado: March 15, 2022

Deegaanka Weel-caday ee gobalka Wajeer wararka ka imaanaya waxaa ay sheegayaan in halkaas Qarax miino lagula eegtay Gaari nooca xamuulka qaado oo ay saarnaayeen ciidamo Kenyaati ah kaas oo siday oo sahay.

Waxaa la sheegay in gaariga xamuulka ay saarnaayeen Ciidanka Kenyan-ka ah ay kusii jeedeen tuulada Girileey ee dhacda duleedka degmada Ceelwaaq, balse ay la kulmeen qarax miino oo kasoo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Kama aysan hadlin Saraakiisha Ciidamada Kenya khasaaraha kasoo gaaray qaraxaan jugtiisa xooganeyd, waloow la sheegay in 2 askari ay ku dhinteen, halka tiro kale ay ku dhaawacmeyn.

Qaraxa kadib, waxaa la tilmaamay in Ciidanka Kenya ee qaraxa lala eegtay ay hore usii wateen socdaalkoodii ay ku sii jeedeen tuulada Girileey ee dhacda duleedka degmada Ceelwaaq,   iyagoo meesha ka qaatay askartii ku dhimatay weerarka qaraxa iyo dhaawacyada.

Dhinaca kale,  dagaalamayaasha Al-shabaab oo ka hadlay qaraxaan ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxaas, iyagoo inay ku dileen 11 kamid ah askarta Kenya ee gaariga la saarnaa

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qatada,balse Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas ayaa waxaa ay sheegeen inay kudileen 11 kamid ah askarta Kenya ee gaariga la saarnaaCiidamada Kenya ee qaraxa lala eegtay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post